Murtida Maanta iyo Mr Been
MUUSOW (GABAY)
SIIRADII RASUULKA SCW IYO QISADII BAXIIRA
Murtida Maanta iyo Danyare Miskiin Alaale
Barnaamijka Diirada Todobaadka. Yaa kadambeeyay Qaraxii Shalay?
DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
Barnaamijka Diirada Todobaadka Malasocotaa in Gobolada Bay iyo bakool laga bilaabay in lagubo kitaabka Qur’aanka? (Qiso Dhab ah)
Qabuura Faagista Shabaab iyo Qaaya tirista Diinta
Cadaalad Darada Al-shabaab Canbaareyn uma Baahnee, cudud ayay u Baahantahay iyo Ciidan iska Celiya!!!
SOMALI LINKS
04:00 GMT
ahlusunna
bbcsomali
Dalkanews
Dayniile
goobjoog
Hiiraan
hiiran.com
Horyaal Software
Maaryaa
Mowliid.com
Mustaqiim
Shaaficiyah
Somalitalk
SomaliTalk
SOMTV
sultan.org/a
Waagacusub.com
NON SOMALI LINKS
الجزيرة Aljazeera
العربية Alrabiya
الصوفية Al-Suufiyah
BBC Arabic
Bouti
[ 2010-03-10]    TOBAN QARNI KAHOR IYO TAARIIKHDA SOOMAALIDII HORE
 
Sawir

Mujtamaca Soomaalida oo Bariga Afrika ku noolaa wuxuu soo
maray taariikho kala duduwan iyo qowmiyado ku kala horreeyey
deegaanka Soomaalida.


Taariikhda aan ka hadleyno oo ka soo bilaabaneysa qarnigii sideedaad waxaan uga hadli doonaa intii Soomaalida soo gumeysatay, mutjamacyadii ku soo noolaa iyo xukuumadihii ay lahaan jireen magaalooyinka caanka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa Xeebaha.



Taariikhdaan oo aan ka soo xiganay Buugaag waqtiyo fog horey loo qoray iyo Dukumintiyo ay qoreen dad Bad-mareen ahaa oo magaalooyika Xeebaha  Soomaaliya imaan jiray.


Waxaan si faahfaahsan ugu xusi doonaa taariikhdaan oo inta badan aan ka soo qaadaneyno buug uu qoray nin Carab Soomaali ah oo lagu magacaabo Shariif Caydaruus Cali Abuubakar, ninkaasoo si fiican ugu faahfaahiyey waxa ay ahayd Soomaalidii hore.


Maxaa la oran jiray Muqdishooyin?, xaggee ka yimid magaca Muqdisho iyo magacyada Xamarweyne iyo Shangaani?, muxuu ku yimid magaca Gaalkacyo?, sidee ku aas aasantay magaalada Baraawe magacuse ugu baxay?, muxuu magaca War-shiikh ku yimid?, halkeese ka yimid magaca Cadale?.


Meeqa gumeyste ayaa soo martay Soomaaliya?, imisa ayaa Muslim ahayd?, goormey ahayd waqtiyadii ay Soomaaliya soo kala xukumayeen?, sidee u labisan jireen dadkii xilligaas ku noolaa Soomaaliya?, sideese muuqaalkoodu ahaa?.


Intaas oo su?aalood iyo kuwo ka badan waxaa Sabti kasta idinkaga jawaabaya akhristayaal Bogga Xulasho, waxaana maalinba idiin soo qaadi doonaa meel xiiso leh. Haddii aan ka bilowno waa Maxay Muqdishooyin?, magaalooyinkaan halka magac leh markii loogu yeeri jiray sidaan waxay ahayd xilli qadiim ah oo aan taariikh sugan loo hayn, ayse magaalooyinkaas ku kulmi jireen amaba deganaan jireen dad ku noolaa deegaanadaan iyo kuwo ku imaan jiray safar xagga Badda ah oo ganacsi u badnaa.


Muqdishooyin oo dadka Carabta ahi ugu yeeri jireen Maqaadiish waxaa laysku oran jiray magaalooyinka Muqdisho, Merka, Baraawe, Cadale iyo War-shiikh.
Sida uu xusayo Buugga Bugyatul-aamaal Fii Taarikhi-Soomaal, mararka qaar magaalooyinkaan marka laysku geeyo ayey dadku u aqoon jireen Banaadir iyadoo Caasimadda Muqdisho gaar loo oran jiray, taariikhdaasoo aan iyadana la aqoon waqtigeed cayiman.


Waayadaas dadka ku noolaa magaalooyin Xeebeedkaan waxay ahaayeen dad xagga Ganacsiga ku fiican oo ay caado u ahayd marka ay safraan in haddii ay arkaan meel deegaanka ku haboon aysan dib ugu laaban halkii ay ka soo safreen oo halkaas deegaan guryeed hor leh ka sameystaan, taasoo badisay deegaanada la degan yahay ee dhulka Soomaalida.


Rashiid Shiikh Maxamed (Danjire)

Sawir
Sawir
Email : bibisoftware@gmail.com
Copy right © Galgaduud News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions