Murtida Maanta iyo Mr Been
MUUSOW (GABAY)
SIIRADII RASUULKA SCW IYO QISADII BAXIIRA
Murtida Maanta iyo Danyare Miskiin Alaale
Barnaamijka Diirada Todobaadka. Yaa kadambeeyay Qaraxii Shalay?
DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
Barnaamijka Diirada Todobaadka Malasocotaa in Gobolada Bay iyo bakool laga bilaabay in lagubo kitaabka Qur’aanka? (Qiso Dhab ah)
Qabuura Faagista Shabaab iyo Qaaya tirista Diinta
Cadaalad Darada Al-shabaab Canbaareyn uma Baahnee, cudud ayay u Baahantahay iyo Ciidan iska Celiya!!!
SOMALI LINKS
04:00 GMT
ahlusunna
bbcsomali
Dalkanews
Dayniile
goobjoog
Hiiraan
hiiran.com
Horyaal Software
Maaryaa
Mowliid.com
Mustaqiim
Shaaficiyah
Somalitalk
SomaliTalk
SOMTV
sultan.org/a
Waagacusub.com
NON SOMALI LINKS
الجزيرة Aljazeera
العربية Alrabiya
الصوفية Al-Suufiyah
BBC Arabic
Bouti
[ 2010-03-08]    Kacaankii kahortaga khawaarijta iyo siduu ku bilowday (Qeybta 3aad
 
Sawir

Q-3aad


kadib markii uu dhamaaday dhismihii iyo aas aaskii kowaad ee ciidanka ahlusuna waljamaaca kaas oo socaday 23 – maalmood ayay usoo ruuqaansadeen dhinaca Dagmada Guriceel.


26-11-2009  dufcadii uguhoraysay ciidanka ahlusuna wal jamaaca ayaa wajahada soosaaratay dagmada Guriceel ,iyagoo xili hamyn ah kasooguureeyay tuulada balli howd oo dagmada Guriceel ujirta 70 kiloomitir dhanka waqooyi.


Ciidankaan aya kakoobnaa  60 nin oo ahaa dufcadii kowaad oo tababarku ugusoodhamaaday tuulada bali howd.


Waxay hamaynimo soojareen masaafada aan kor sheegnay iyagoo soogaaray daafaha Dagmada Guriceel sagaalkii subaxnimo (sadex saac ).


Waxay weerar qorshayn kuqaadeen xarumahii magaalaad ay kadaganaayeen khawaarijtu.


Ciidankaan oo magaalda kasoogalay dhinaca waqooyi ayaa loo qaybiyay intaysan xabadu bilaaban sadex qaybood iyo taliska hogaaminta.


Qaybta qoraxsime oo loogutalogalay in ay weeraraan qaybta qoraxsime ee magaalda,xaruntii al shabaab,xaruntii badar oo khawaarijta u hayd xarun muhiim,isla markaana ay jidkooyo dhigaan jidka laamiga ah ee kayimaada dhimaca mataaban si aan gurmad uga imaan dhinaca Hiiraan.


Qaybta bari oo loogutalo galay in ay qabtaan dhinaca bari ee magaalada iyo xaruntii jaamacada iyo sido kale in ay jidgooyo dhigaan wadada laamiga ah dhinaca dhuusamareeb si aan khawaarijta gurmad uga imaan dhinac dhuusamareeb


Qaybta sadexaad oo loogutalo galay bartamaha magaalada iyo Saldhiga Booliska Dagmada.


Iyo Taliska ciidanka oo xarun kasmaystay halka lagu magcaabo booraan cadka oo ah duleedka xaafada lagumagacaabo tuulo gaban taasoo ah xaafada waqooyi ee Dagmada Guriceel.


Waxaa bilowday dagaalkii abaarihi sadexdii saac oo subaxnimo isagoo ku bilowday weerar xoogan oo  bartamaha magaalada ah.


Ilaahay mahadiis iyo naqshada ciidan ee uu sameeyay taliska ciidamadu,muddo  yar kadib waxay kugulaysteen in gacanta kudhigaan dhamaan magaalda iyo daafaheeda iyagoo halkaana khawaarijta uga dilay in kabadan 25 kanafurtay saanad ciidan.


Markii ay ogaadeen dadwaynaha deegaanka oo in mudaaba kunoolaa caburis iyo cadaadis in magaaladu gacanta ugashay culamaudiinka ahlusuna waljamaaca oo ay in mudaaba sugayeen ayay isusoobaxean iyagoo caleemo lulalaya kuna faraxsan jabka iyo guuldarada ay alshabaab kalahuleleen magaalada.


Islamarkiiba ciidamadu waxay bilaabeen baaritaan si ay u hubiyaan haradaiga alshabaab oo magaalda kudhuumaalaysanayay.


Dagaalkaan  ayaa noqday  kii uguhoreeyay oo dhaca aas aaskii ciidanka ahlusuna waljamaca kadib, wuxuuna soo afjaray 23 maalmood oo ay culamaaudiinku ugudiyaargaroobayeen halgan dheer oo ay lagalaan kahwaarijta.


ILAAHOW  UNAXARIISO SHUHADADA AHLU-SUNNA WAL-JAMAACA JIDKII AY BILAABENA KADHIG MID WAARA.AAMIIN.


Lasoco Q-4aad


Xaaji saalax


 


Xaajisaalax_5@hotmail.com

Sawir
Sawir
Email : bibisoftware@gmail.com
Copy right © Galgaduud News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions