Murtida Maanta iyo Mr Been
MUUSOW (GABAY)
SIIRADII RASUULKA SCW IYO QISADII BAXIIRA
Murtida Maanta iyo Danyare Miskiin Alaale
Barnaamijka Diirada Todobaadka. Yaa kadambeeyay Qaraxii Shalay?
DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
Barnaamijka Diirada Todobaadka Malasocotaa in Gobolada Bay iyo bakool laga bilaabay in lagubo kitaabka Qur’aanka? (Qiso Dhab ah)
Qabuura Faagista Shabaab iyo Qaaya tirista Diinta
Cadaalad Darada Al-shabaab Canbaareyn uma Baahnee, cudud ayay u Baahantahay iyo Ciidan iska Celiya!!!
SOMALI LINKS
04:00 GMT
ahlusunna
bbcsomali
Dalkanews
Dayniile
goobjoog
Hiiraan
hiiran.com
Horyaal Software
Maaryaa
Mowliid.com
Mustaqiim
Shaaficiyah
Somalitalk
SomaliTalk
SOMTV
sultan.org/a
Waagacusub.com
NON SOMALI LINKS
الجزيرة Aljazeera
العربية Alrabiya
الصوفية Al-Suufiyah
BBC Arabic
Bouti
[ 2010-03-07]    Kaccaankii Ka hortagga khawaarijta iyo siduu ku bilowday(Qeybta 1aad)
 
Sawir

Qayba – 1aad


 


Kacdoon kasta wuxuu kabilowdaa dhibaato lagu hayo dad kunool deegaan ayna ugaystaan awooda shisheeye oo dul ugayimaada kuna maamula dulmi una gaysta tacadiyo,kuwaasoo kulakaca dhibaatoyin iyo falal laguwaxyeelaynayo Diintooda,Dhaqankooda amaba Noloshooda.


Cadaadiskaasi wuxuu keenaa aakhirka nacayb kayimaadka dadka deeganka ee dhibaatada laguhayo,dareenkaas oo siixoogaysta ugudambaynta waxaa kadhasha kacdoon gumaysidiid ah.


Inta badan hadii dad dhibaato nuucan ahi kuhabsato dadku waxaya rukalabaxaan qaybo kukala aragtiyo duwan sida loo maaraynayo mushkilada amaba loogabixikaro.waayo somalida ayaa kumaahmaahda “Doqoni waxay duli uqaadataa waa yaan lagagadarin”


Waxa dhacada aalaaba in kooxyari ay go’aanasato in ay wajahdo dhibaatada kunadhaqaaqdo kacdoon aykagahortagyaan gumaysiga nucyadiisa,iyagoo aaminsan in ay kagugaaryaan kuna naaloonayaan xoriyad guushuna ay iyaga raacidoonto aakhirka.


Tira yar oo dada waliba da’yar ah in ay wajahaan awood kahub iyo ciidan badan wa arin ubaahan niyad go’aan adag,iyadoo dadka qaar ay u arki karaan qar iska tuurnimo ama nafti haliknimo.balse dhabtu waxay tahay nina dhulkiisa lagamalahan.


Dulucda qormada ayaa ah 8-dii dhalinyarada ahayd oo 3-dii November 2008 har dharaareed go’aansatay in ay ladagaalmaaan jilibkana u dhigaan  xarakada al-habaab bartamaha Dagmada Guriceel iyagoo tira ahaan kakooban 8 – qof  Hubkooduna u ahaa  4 – ak 47 iyo 3 kaarabiin rasaasta ay wateen tira ahaan markilaysugeeyo ahayd 204 baalooto.halka al-habaab ay ahaayeen cidankoodu 10 tikniko ah ilaa 100 ciidan ah iyo waliba sahay iyo saanad ciidan oo badan. iyagoo waliba ay kaabayeen gacana siinayeen ciidamadii Maxaakiimta ee  kusugnaa halkaa kuwaasoo ay isku mabaadi ahaayeen haystayna saanad kaloobadan.


Iyadoo aysan isu dhigmin awooda ciidan tayo iyo tiraba  hadana sideedaasi waxay go’aan sadeen in ay heeryada gumaysiga kadulqaadaan guud ahaan gobolka gaar ahaan culamaa’udiinka Ahlu-sunna wal-jamaaca.waxay dagaal qaraar lagaleen iyagoo adeegsanaya Hubgacmeedkooda bilowga ah xarakada al-habaab iyo walaalahooda maxaakiimta.laba maalmood dagaal socaday waxay ugadilen mooryaan dineedka 13 qof iyo tiro dhaawac.


Xarakada al-abaab oo ogayd in waxa ladagaalamaya ay yihiin 8- wiil oo kaliya islamarkaana ogayd awoodooda hub ayaa waxaa qaadan waa kunoqday khasaaraha gaaray iyo guul la’aanta dagaalka halkaas oo ay difaac ku aruureen,iyagoo taliska dhexe ee al –habab kadalbaday gurmad dagdag ah ,waxayna guushii halkaas kuraacday 8-dii xerow oo bir dhigay in ay bilabaan halgan dheer oo ubabaahan maal iyo mood balse aysan waxba meel ku ogayn xiliga ay bilaabeen.


ILAAHOW  UNAXARIISO SHUHADADA AHLU-SUNNA WAL-JAMAACA JIDKII AY BILAABENA KADHIG MID WAARA.AAMIIN.


 Lasoco   Q-2aad


 Xaaji saalax


 

Sawir
Sawir
Email : bibisoftware@gmail.com
Copy right © Galgaduud News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions