Murtida Maanta iyo Mr Been
MUUSOW (GABAY)
SIIRADII RASUULKA SCW IYO QISADII BAXIIRA
Murtida Maanta iyo Danyare Miskiin Alaale
Barnaamijka Diirada Todobaadka. Yaa kadambeeyay Qaraxii Shalay?
DHALASHADII & BARBAARINTII RASUULKA SCW
QODIDDII SAMSAMKA IYO NADARKII ABDI MUDHALIB
Barnaamijka Diirada Todobaadka Malasocotaa in Gobolada Bay iyo bakool laga bilaabay in lagubo kitaabka Qur’aanka? (Qiso Dhab ah)
Qabuura Faagista Shabaab iyo Qaaya tirista Diinta
Cadaalad Darada Al-shabaab Canbaareyn uma Baahnee, cudud ayay u Baahantahay iyo Ciidan iska Celiya!!!
SOMALI LINKS
04:00 GMT
ahlusunna
bbcsomali
Dalkanews
Dayniile
goobjoog
Hiiraan
hiiran.com
Horyaal Software
Maaryaa
Mowliid.com
Mustaqiim
Shaaficiyah
Somalitalk
SomaliTalk
SOMTV
sultan.org/a
Waagacusub.com
NON SOMALI LINKS
الجزيرة Aljazeera
العربية Alrabiya
الصوفية Al-Suufiyah
BBC Arabic
Bouti
[ 2010-03-06]    Dowladda Maraykanka oo sheegtay in diyaarado dagaal iyo Ciidamo gaar ah ay
 
Sawir

Dowladda wadanka Maraykanka ayaa sheegtay in diyaarado dagaal iyo Ciidamo gaar ah ay kaga qeyb qaadanayso howlgalka dowladda KMG dhawaan ay ka sameynaysi Magaalada Muqdisho.


 


Sida maanta lagu soo daabacay Wargeyska New York oo soo xiganaya sargaal ka tirsan dowladda Mareykanka, Ciidamada Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran iyo diyaaradaha dagaalka  ayaa waxa ay Dowladda KMG Soomaaliya kala qeyb qaadanayaan dagaalka ay ku dooneyso in dhawaan ay kula wareegto guud ahaan  Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.


 


Sargaalkasi oo codsaday in aanay magaciisa la  shaacin oo la hadlayay New York times  ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu wado in uu bilawdo todobaadyada soo socda.


 


Sargaalkaasi ayaa la soo xigtay isagoo leh “Waxa laga yaabo in aad aragto duqeymo dhinaca Cirka, howlgalo gaar ah, kuwaasoo gaaracaya hadana dib uga soo laabanay goobaha ay duqeeyaan”


 


Bilhii ugu dambeeyay saraakiil dhinaca la talinta ah oo ka tirsan maamulka Obama ayaa waxa ay  ku baaqayeen in ciidamada DKMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa tababaran in la geeyo  oo loo daad gureeyo agaagaga hore ee dagaalka.


 


Wargeyskaasi ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in saraakiil  ka tirsan dowlada Mareykanka ay sheegeen in arintaani ay qeyb ka tahay dib u dhiska awooda militariga dalka Soomaaliya,iyagoona intaasi ku daray in aanan la kordhin doonin kaalmada dhanka militariga ah Marka la eego howlgalada soo socda.


 


Dowlada Mareynaka ayaa horay waxa ay ugu lug laheyd arimo la xiriira tababarka ciidamada dowladda KMG, taageero dhanka loojistikada ah iyo shidaal  oo ay siiso ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana intaasi sii dheer in xog dhinaca sirdoonka ah laga siiyay dowladda KMG ee Soomaaliya goobaha ay ku suganyihiin dagaalyahanada Islamaamiyiinta ah, sida uu shegay New York Times.


 


Dhawaan ayay aheyd markii dowladda Mareykanka ay sheegtay in inta karaankeeda ah ay Kaalmada ugu badan ee dhinaca bani’aadannimada ah siineyso shacabka dhiban ee Soomaaliya kadib markii hey’ada QM u qaabilsan arimaha qaxootiga ay ku eedeesay xukuumada Washington in ay hor istaag ku sameysay lacago malaayin ah oo loo qoondeeyo wax ka qabashada arimaha bani’adannimada ee dalka colaaduhu la dageen ee Soomaaliya.


 


Dowlada Mareykanka ayaa faragilin ku sameysay wadanka Soomaaliya sanadihii sagaashamaadkii iyadoo sheegtay xilligaasi in ay Hormuud ka noqonayso howlagalka gargaarka caalamiga ah ee Soomaaliya taasoo ugu dambeeyntii ku soo gaba gaboowday guuldaro kadib markii ciidamada QM ay ku lug yeesheen oo ay cagah la galeen dagaal dhexmaray iyaga iyo mid ka mida hogaamiye kooxeedyadii xiligaasi ka dagaalamaya gudaha wadanka Soomaaliya.


 


Bishii October ee sanadii 1993 magaalada Muqdishu mar qura waxa ka qarxay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada Mareykanka oo adeegsanayay diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyo, iyo Ciidamo taabacsan General Maxmed Faarax Ceydiid kaasoo sababay in ay geeriyoodaan 18 askari oo ka tisan ciidamada Mareykanka kuwaasoo meydadkooda lagu arkay wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimada wadanka Soomaaliya.

Sawir
Sawir
Email : bibisoftware@gmail.com
Copy right © Galgaduud News Online 2007- 2010 powered by Horyaal Software Solutions