Kooxda Mayalka adag ee Al-Shabaab ayaa ka mamnuucday Iskuulada ku yaal deegaanada ay maamusho in laga dhigo Luqada Ingiriiska, iyadoo go'aankan ay u cuskatay kadib markii Dowladda Ingiriiska dhowaan ku soo rogtay Cunaqabateyn.
Sida ay qortay Wakaalada Wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dadka deegaanka ayaa waxay sheegtay in Iskuulada Waxbarasho ee ku yaal Deegaanada Jubooyinka gaar ahaan Degmada Afmadow lagu soo rogay amar ah in aan laga dhigi karin Maadada Sayniska ee ku baxa Luqada Ingiriiska.
"Waxay na weydiiyeen caruurta Iskuulka in ay ka bar bar dagaalamaan, waan ka diidnay"ayuu yiri mid ka mid ah Macalimiinta wax ka dhiga Iskuulada ay Shabaabka ka mamnuuceen in laga dhigo Luqada Ingiriiska.
Odayaasha Dhaqanka ee deegaanadaas ayaa u sheegay Wakaalada Wararka Reuters in Shabaabka ay mamnuuceen waxbarashada Reer galbeedka, gaar ahaan Luqada Ingiriiska, waxaana taa bedelkeed ay u sheegeen in Iskuulada laga dhigo mid lagu barto afka Carabiga.
Waxay nagu yiraahdeen waan ognahay in qof walba inuu doonayo inuu u basaaso Dowladaha Reer Galbeedka, sidaas darteed Maamulada Islaamiga waxay mamnuuceen in Luqada Englishka laga dhigo Iskuulada"ayuu yiri Ali Mowlid Mohamud oo ah ah waxgarad ku sugan degmada Afmadow.
Mid ka mid ah Cuqaasha degmada Afmadow ayaa sheegay in sababta looga mamnuucay Luqada Englishka ay tahay in Shabaab ay ku tilmaameen qofka luqadaas barta inuu basaas u yahay Mareykanka
Ururkan Hubeysan ee Al-Shabaab ayaa inta badan maamula Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, waxay ka mamnuuceen deegaanadaas Aroosyada la dabaal dego, iyo Xafladaha ciyaaraha loo dhigo, waxayna amaro adag ku soo rogeen Haweenka oo ah in ay qaataan Xijaabka ka sameysan dharka adag
Source: Jowhar.com
|