Xalay ayaa waxaa qarax weyn lala beegsaday Majid weyn oo ay Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ay ku bari jireen Dadweynaha iyo ardeyda ku nool Magaalada Galdogob ee Gobalka Mudug. Qaraxa lala beegsadey Masjidkaas ayaa waxaa lagu xirey meel masjidka geestiisa ah, kaasoo laga hagayey meel fog, waxaana markii uu qaraxu dhacay laga maqlayey dhammaan Degmada Galdogob oo dhan, xoogga qaraxa awgiis. Qaraxaas ayaa waxaa ku dhaawacmay 5qof oo rayid ah, taasoo alle mahaddi aysan Culimadii iyo Ardeydii aysan waxba ku soo gaarin, hase yeeshee Masjidka ayaa gees ka dumay, waxayna ugu tala-galeen in Masjidka iyo Culimada iyo Ardeydaba ay ku wax-yeelleeyaan. Dadka Qaraxaan geystey ayaa waxaa lagu eedeeyey Khawaarijta oo deegaankaas Galdogob ku nool, iyadoo ay Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee deegaanku ay baaritaan ku hayaan dadka ka dambeeyey iyadoo ay Culimadu tillaabo cad ka qaadi doonto. Waxaa Qaraxaaan cambaareeyey Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca ee Goballada Dhexe, iyadoo sida la xaqiijiyey ay Masaajidkaas la beegsadeen ka dib markii hamiin hore la dhameeyey Mawliidka Nabiga (SCW). Wixii wara ee ka soo kordha kala soco wararka yaga dambe
Xigasho: Mustaqiim.com
|